HAABLAHA GUURDOONKA HAABLAHA GUURDOONKA New Page 1
Make your own free website on Tripod.com

Maxaa looga shakiyaa dumarka guurdoonka ah? !! Muqdisho, Axad, April 30, 2006 (Waagacusub) Waxaa la isku waafaqsan yahay in dareenka Jacaylka ee ragga iyo dumarku ay u nugul yihiin dumarka, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana bandhigashadiisu ay ku adag tahay dumarka xishoodka Alle ugu daw galay awgii, weyna dhacdaa in Dumarka qaarkii iyagoo jacayl la bistii ah inay la baqaan bandhigashiisa oo mararka qaar ayba sidaas ku seegaan wiilkii ay jeclaayeen ama ay rabeen inay xiriirka cishqi la wadaagaan, taasoo ah dhaqan iyo xishood soo jireen ah oo dumarkeena caado u ah, walow maalmahan dambe la helayo dumar u dhego nugul Jacaylka oo aan qarsan karin, una bandhigta wiilka ay jecel yihiin. Mararka qaar ayaa waxaa dhacda in gabar wiil ay jeceshahay ay ka dalbato guur iyadoo dalbashadaasina ay ku xambaareyso jacaylka ay u qabto oo ay dooneyso inay miiddiisa muudsato, dhanka kale gabdhaha qaar ayaa la joogista reerkooda dhibsada, markaas ayay guur ku fakarayaan, iyadoo wiilkii ay bartaanba markaas ka dalbada guur, laakiin wiilka guurka laga dalbado siyaabo kasta dalbashadaasi haku timaadee shaki ayuu ka qaadaa guurkaas oo wuxuu is yiraahdaa gabar guur ku degdegaysa wax uun bey kuu qarineysaa, taasna waa caado ay badiyaaba ka siman yihiin ragga oo u arka guurkaas mid wax loogu qarinayo, gaar ahaan in gabadhu xun tahay oo ay raadineyso asturaad ama inay uur aan sharci ahayn leedahay oo ay dooneyso inay isaga waa wiilka ay guurka ka dalbanaysee uu u asturo iyadoo u qarineysa, markaasaa gabar kasta oo guurdoon ah, isla markaana afkeeda guurka ku dalbata ay badiyaaba fashilantaa. Gabar kasta oo guurdoon ah ma aha mid xun ama wax uun qarineysa ee sida ay ila tahay waa un rabitaan guur mustaqbal leh oo ay dani ku xambaareyso, ama Jacayl xad dhaaf ku noqday ka ahaado ama dan nololeed iyo ubad rabitaan haku hogaamisee, marka haddii ay dhacdo in wiil laga dalbado guur yaanu ka shakin gabadha guurka ka dalbataye haka garwaaqsado isagoo markaa shakiga badiyaaba wiilasha ka qaadaan gabdhaha guurdoonka ah baaritaan ka sameynaya, tusaale gabadha haddii aad uga shakiso inay uur kuu qarineyso oo guur degdeg ah kugu qalqaalineyso dhakhtar iyo sheybaar arrimahaas ogaan kara ayaa jiree la tiigso, haddii arrin kale oo xumaan ah aad uga shakineyso la xiriir qoyskeeda oo baro saaxiibadeed, deriskeeda iyo cid kasta oo axwaasheeda taqaana kadibna ka wareyso dhaqankeeda iyo dabeecadaheeda, haddii markaa xumaan lagaaga sheego ka gaabso, haddiise aan wax xumaan ah lagu sheegin ka aqbal guurkeeda ee walaalayaalow Ina raggoow gabdhaha guurdoonka ah yaan laga shakin oo guurka waa wax wanaagsan oo shareecada islaamka in lagu degdego ay ina fartay guurka iyo gabdhaha guurdoonka ah hala tixgeliyo,sidaana waxaa Oranaya bartilmaameedka Waagacusub ee Qarnigga.